Garbodadar

Just another WordPress.com weblog

Madaxweyne Rayaale Seeddee Kuu Dhanaan Ee Samaroon Kaa Qaataa Adigaba An ku Weydiiyee!!!!

Posted by garbodadar on December 20, 2008

Madaxweyne Rayaale marka hore salaan guddoon, marka xigana waxan kugu bogaadinayaa adiga oo noqady Madaxweynihii ugu horreeyey ee Samaroon ee taariikhda ka gala Soomaliya. Doorashadaaduna mid sooyaalku sheego ayey noqotay waxanan ku leehay Aguuriyo. waxana ugu horreyn mahad leh Ilaaha Macbuudka ah, iyo ummadda samaroon ee iyagoo isku duuban ku doortay iyo ugu danbey shacabka reer somaliland.

Sidoo kale,  Madaxweyne Maalintii haddaba doorashada qoomiyadda samaroon waxay u ahayd waa cusub oo u soo baxay  si xamaasad lehna way kuu doorteen yar iyo weyn, rag iyo dumarba intii dalka hooyo gudihiisa joogtay, inta debadduna mar  fadhi-ku-dirir bay ahaayeen, marna damaashaad iyo farxad iyo rey-reyn bay u ahayd. Samaroon ka sokowna waxa kale oo qayb  libaax ka qaatay beelaha kale ee somaliland isaaq ha u horreeyee mahadna way istaahilaan in looga celiyo markaa iyo maantaba iyaga iyo beelaha kale ee iyaguna muwaadiniinta ah ee ku doortay iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Madaxweyne waxad ogtahay siyaasaddu inay tahay wax nolosha aadamaha halbowle u ah aanan lagana maarsan karin qaranimada iyo jiritaankeeda udubdhexaad u ah. Siyaasadda iyo hogaanka wanaagsani dadka iyo dalka ay ka hanaqaaddo way dhaqdaa, wayna dhistaa oo magac, sharaf , cisi,  midnino, daljacayl, iyo horumar xagga dhaqaalaha ah, tacliinta, caafimaadka iyo waxsoosaarka ayey u horseeddaa . taas oo keenta dadku inay ku naaloodaan bashbash iyo barwaaqo. dhanka kale haddaan eegnana, siyaasadda iyo hoggaanka xumi dadka iyo dalka aw ka hanaqaado way dumisaa waana halaag  markaan isku soo wada xoorinno.

Madaxweyne haddaba, Maxaa ka dabeeyey doorashadaadii, ma la mahadiiyey mise lama mahadin xilka mudadii ad haysay? aniga halkaa ka duulaaya waxan u kala qaaday jawaabta su’aalahaasi laba qaybood oo kala ah: (a) heer gobol – Awdal (b) heer qaran – somaliland.

Madaxweyne Rayaale, markaan ka jawaabo su’aasha ah ma la mahadiyey mise lama mahadin madaxtinimada Rayaale ee heer gobol, jawaabta ii soo baxday waxa weeyi lama mahadin Rayaale asbaabta hoos ku qoran awgood.

1. Madaxweyne Rayaale dadka samaroon ballanqaadyadii ad la gashay dhammaan waad kaga baxday sida- dariiqa dila iyo Borama, Garoonka kubbadda – Xassan Sh. Muumun Stadium iyo IWM. wax allaale iyo waxad u qabatay awdalna habayaraatee waa wax an jirin, wax lagugu xasuusto oo dhaxal gal oo dadku ay yidhaan Madaxweyne rayaale ayaa no sameeyey waa ha sheegin, inad wax ka riddo mooyaane.

2. Maxadweyne Rayaale waxad ku kacday ood saxeexday qalinkana ad ku duugtay Samaroon inu saami  u qaato 13 kursi iyo ciise, wadarta kuraasta somaliland oo dhan 84 kursi. arrintaa oo Madaxweyne Cigaal intuu noolaa laga dagaalamay, laguna diiday loogana dareerey shirkii arrinta ku saabsanaa,  taasoo reer Awdal ay ka sinnaayeen badidoodu dareenka arrintaasi lahayd. waxa ayaan darro ah inad si xilkas yaraan ah arrinkaa ad u maamushay anad ku degdegtay saxeexaas, taas oo ka turjumaysa qalad siyaasadeed aad u weyn oo ummadda Samaroon ad ka gashay adigoon cidna kala tashan rabitaan koodana an weydiin, xaqoodiina adigu si badheedh ah ad ku duudsiday. 

3. Madaxweyne Rayaale, waxad ku kacday dadkii wada dhashay ee isdhalay inad kala dhawaysato, hubkana qaar ad hoosta uga dhiibto sida makayl dheere iyo  Baharcabdalle, adiga oo bahabar cabdalle ka takooray Makaahiil intiisa kale. arrintaas oo xabashada gumaysata anay yeelin taad aduu yeeshay, halka Habaryoonis iyo ciidagale dagaalkii qamadiga ee ka dhex qarxay ad wafti heer wasiir ah ad u dirtay si ad u kala gaadho. waxa kale oo reer awdal ay arkayaan sheekh cabdillaahi sheekh cali-jawhar xaalkiisu halka aw marayo kadib markii uu kabaxay xisbiga UDUB iyo cawaasifta ad ku hayso sheekal baladka.

4. Madax weyne Rayaale, Shaqaaqadii ka dhex dhacday Reer Maxamed iyo Reer Nuur inataad xilka haysay waxad ku kacday inad Reer Nuur oo xaaskaagu ka soo jeeddo ad hubka hoosta ka siisay, reer maxamedna aad mucaaarad ka soo horjeeda jiritaanka somaliland ayaad ku eedaysey, si ciidamada somaaliland loogu adeegsado reer maxamed cagtana loo mariyo ciidamada soomaalilandna arrintaa dhexdhexaad kamay ahayn marnaba, waxanay ahayd khiddad la soo darsay adiguna ad ka kambeysey teellana umaanad dhigan reer Maxamed ee xag Alle ayeyse ka dhici weydey. waana godob ad kala godobsatay dadkaa wada dhashay ee ilma makadoor wada ah.

5. Madaxweyne Rayaale waxad ku kacday inad qabyaalad lagu qoro shaqaalaha gobolka awdal, taas oo illaa maanta boqolkiiba 99%  ay yihiin makaahiilka siyaasadda dantaada gaarka ah ku salaysan dhidibada u haya, kuwaas oo dhammaan ka soo jeeda kililka 5aad ee itoobiya Reer axamad oo dadka dalka dega ah xataa waad cuntay cirkaanad u diraty waayo mucaarid bay yeesheen, Reeraha kale ee ah Habarcafaan iyo Maxamed casana Ilaah naxariista way leeyihiin laakiin se aduu umaad naxariisan maamulkana waad ka qadisay. way ka soo waaday oo haddana waxa timi doorashadii xildhibaannada. adiga oo siyaasaddaadii qabiilka doojinaysay wata  ayaad talo ku bixisay  makaahiil 6 kursi ha soo doorto, habarcafaan iyo maxamedcasana waxay kal leeyihiin min seddex.  Ilaahay bay arrini u nagidahaye waxa dhacday in maxmaed xase 6 dii tolkaa ad la rabtay soo saaro habar cafaan iyo makaahiilna  ay helaan min seddex iyadoo maxamed case weliba soo saaray Ikraam xaaji Daauud, kursi kalena ay ka soo hooyeen gabiley. waana godob kale oo tolkaa ad ku  kala qoqobaysay.

6. Maxadweyne Rayaale, waxa jirtay in xildhibaan Ikraam Xaaji Daauud warsame ruwaayad ad ka matashay socdaalkii Maraykanka ay ku tegtay ee madaxweyne busha ay kula kulantay, erayada ruwaayaddaana waxa ka mid ahaa in iyadoo leh”Mr. bush sagaal carrurraan haystaa, please help” ad ku jisheen. adiga oo sidaa u yeelay ikraam waa mucaarid oo kulmiye ayey ku jirtaa. arrintaasina dadweynaha reer somalilnad oo dhani aad bay ula yaabeen, waayo waa wax ku cusub saaxaddaa siyaasadaha caalamka, waana astaan siyaasdeed oo adiga kuu gaar noqotay. dadka siyaasdda u kuur galaa waxay sheegayaan in arrintani ad ku kacday ay taahay tii ugu horreysey ee ka dhacda siyaadda somalia oo dhan laga soo bilaabo markii dal soomaliyeed xoroobo. waana liiti nimo, daciifnimo iyo meel ka dhac madaxweyne inan mucaarad noqotay ku taagsada kuna dacaayadeeya dhaqanka suubbaan ee samaroon iyo ka soomalidana ka baxsan.

7. Madaxweyne Rayaale,  ilaha dhaqaalaha oo dhan hadday tahay kalluunka xeebaha iyo haddii kaleba, dadkii danyartii ee ka kalluumaysanayey badda shaqadoodii ay ku noolaayeen adigaa ka qaatay oo madaxweyne iyo kalluunlaba wada noqday. waxa kalee ku soo raacaa waa qabiilkaaga intad adigu ogolaatay inad naasnuujiso, iyo ina  Boorre oo dano gaar ihi idinka dhexeeyaaan dalkaba an u dhalan. ninkaas ina boorre ahi oo xashiishad iyo maandooriye ka dhoofsha saylac, waxana jirtay nin jinsiyaddiisu tahay kiiniyaan oo pastoolad iyo hubkale boolisku ku qabtay kana tirsan shaqaalaha ina boore inad sii daysay kadib markii ina boorre laftiisu hargeysa arrintaa kuugu yimid. haddaba haddii ikraam Xaaji daauud danbi caynkaasa ay gasho sidaa sahlan ma loo sii dayan lahaa ee ajanabiga looga danbeeyo? waa maya jawaabtu, naaraha laga waraabin lahaa. tallaabadaa ad ku kacdayna waa xeer dumisnimo. 

8. Madaxweyne Rayaale, macdanta iyo dhagaxda qaaliga ah dadkii danyartii waad ku qordisay ruwaayaddana adigaa ka maxadweyne ah, macdanqotana ka ah. Maxadweyne halkaad shaqooyin ay ku noolaadaan ad uga abuuri lahayd dadkan masaakiinta ah, adigoo ah madaxweynayaasha caalamka kuwa ugu mushar badan miyaad dhagaxdiina u soo dhigay adiguse farabadanidaa meel kasta ma ku jirtaa. qandaraaska shirkadda   xafiiskeedu yahay abdu dubai ad la gashay waa caddahay, dadka hawshaa kuu qaabilsanna oo wasiirka macdantu ka mid yahay iyo shakhsiyaad shacabka ka mid oo hawlahaa u xilsaaran shacabku way yaqaannaan, guryaha, beeraha, gawaadhida iyo ganacsi kastoo aad ku jirtana horena saxaafadda waa lagu soo qoray waana lala wada socdaa, wax kuu qarsoonina bal qabso ma jiro. arrintu si kastaba ha ahatee, sida distoorka ku qeexanna waa denbi in madaxweyne xilkii ummaddu u igmatay weli hayaa inu ganacsi galo wuxuu doonaba ha noqdee , amma hanti ka badan tii aw declare gareeyey intaan la dooran tu ka badan lagu arko, haya’daha sharciguna  xaq bay u leeyihiin inay baadhaan hantida madaxweynaha, haddii maanta ay dhici weydana waxa jira doona wakhti kale oo ku haboon ooy dhici karto.

9. Madaxweyne Rayaale, somaliland waxad dhawaan sidii jagooyinkii dawladda hoose ad u bixisay gobollo iyo degmooyin cusub, samaroonna waxad siiso ha joogtee waxad ka qaadday gobolkii ab iyo isirba ay u lahaayeen ee saylac   adiga oo weliba odayaashii ergada ahaa ee Hargaysa kuu yimid u sheegay inad Ismaaciil Cumar Geelle ballan ad u qaaday gobolkaa inad siiso. Maxadweyne taasi waxay markhaati ka tahay sida ismaaciil cumar geell kaaga caqli badiyey – ismaaciil oo caan ku ah inu tolkii ciise uga dhex lobby gareeyo masalan Somalia – oo aw gaadhsiiyey ciise inay yeeshaan 8 xubnood, halka samaroonna ku leeyahay somalia 9 xubnood. waxa kale oo ismaaciil cumar melez sinaawi ku caddiyey in la siiyo ciise madaxa kilinka shanaad taas oo iyadna aw ku guulaystay sida adigaba aw kaaga guulaystay inad saylac siiso ciise, waxa kaloo ismaaciil  intaa u dheer inu Djbuuti ciise cid walba ka sarreysiiyay gacantana aw ugu hayo.  arrintaas oo dadka reer awdal niyad jab weyn ku keentay.

10. Madaxweyne Rayaale, waxad ku kacday inad cabbudhiso, ciqaabto, cadaadiso maal farabadanna ad ku bixisid  si ad uga guulaysato dadka xisbiyada mucaarida ah ku jira ee awdal  ka soo jeeda, adigoo u adeegsanaya koofyad baclayaasha lacagta ad u soo dhiibto ee beelaha u qaybsha markay cidi gadooddo, si-xun-u-ceeshka, biidgiqaatayaasha, dhegadhegaynta, dhabarjebinta, badhasaabka, ka police ka haysta iyo dhadhaqaaqa dhuuni-maalmeedka iyo dheri-ku-dirika. waxa kaloo intaa dheer, dadka xisbiyada mucaaridka ah ku jira ee reer awdal een waliba an an ahayn makaahiilka inad ugu hanjabto mushaharka ayaan kaa goyn,  ganacsigaan kaa curyaamin, jagadaan kaa qaadi amma waan ku xidhi, iyadoo arimahaa qaarna dadka mucaaridka ah lagula kacay, kuwaas iyo kuwo ka daranna la filayo inad ku kacdo. waxana xusid mudan, Cabdiraxmaan aw cali oo mucaarid ah oo kulmiye ah, markii aw yimid Borama ina aanu ahayn nin mucaarid ah, ee aw ahaa nin jibriil yoonis ah waxanan ka wada dheregsannahay in makaahiilka inta rayaale ku danaystaa soo dhaweeyeen, caleemo qoyan iyo ubaxna wadooyinka ay ula safnaayeen iyagoo oo u hanjabayey amma ku aflagadoonayey Habarcafaan iyo maxamadcasha kuna sheegayay inay mucaaridku labadaa reer yihiin. Taasina waa godobaha qabyaaladda  eed ku caano maashay, dadkaagana ad  ku kala godobsato madaxweyn, waana kugu sumcad xumo iyo karaamad darro iyo diinla’aan.

11. Madaxweyne Rayaale, waxa jirtay agabkii dhakhtarada ee maraykanka laga soo diray amarkana ad ku bixisay in alaabtaa gacanta dawladda la soo gesho ad qaadateen, deetana ad u qaybiseen cusbatalada soamaliland. haddaba,  qabtii awdal lahayd weli la idinkama hayo illaa maanta, waxana warar hoose sheegayaan, adiga iyo qoyskaagu cusbatalka gabiley ad u dhisteen inadad ku caawiseen. waxana wax laga tiiraanyoodo ah adigoon waxba an u qaban awdal, inad degmooyin kale ka siiso xoogii ubadka reer awdal ay soo direen, anad ku magac doonato. arrintaasina waa godob kale oo dadka iyo dalka reer awdal ad ka gashay taarrikkhduna ay qori doonto.

12. Madaxweyne Rayaale, waxad ku kacday inad dadka reer awdal cunaqabatayn dhaqaale ad saarto xagga xoolaha iyo cashuurta kastamka saylac ba. dadku waxay kuu sheegeen inay ku badabtahay 7 doolar in reer awdal la saaro adhigooda halka meelaha kalena ay tahay 2 doolar cashuurta adhigu. waxa kaloo ka mid ah qaraarada kaa soo baxay in reer awdal xoolaha berbera ka diraan oo keliya adigoo og intay isku jiraan berbera iyo awdal. waxa kale oo soo ifbaxayey baryahan in ciidamadaadu dad adhiilayaal ah ku dileen xuduudda lawyacado, waxa intaa dheer xoolo kaloo farbadan inay itoobiya ka qaadatay dadka ganacsatada ah reer awdal ergana ay kuugu yimaadeen si xoolahoogaa cadaawaha ad uga soo dhiciso.  arinkiina wax alla waxa ka qabatay aanay jirin, xoolihiina lagu xaraashay diridhaba, halka ad gawaadhidii isaaqu lahaayeen ee itoobiya qaadatay ad wafdi u dirtay itoobiya loona soo celiyey gawaadhidoodii mudo yar dabadeed. arrintanina waa mid taariikhdaada danbarsan doonta.

13. Madaxweyne rayaale, waxa ka jirta gobolka awdal cadaalad darro aad iyo aad u farbadan. waxa dhacda dadka in waxan waxba ahayn lagu xidho oo cuqaashu dhammaynkaraan. police ka awdal caaqilka amma qoka u dhaw qofkaa xidhan wuxu ka qaadaa laaluush si xornimadiisa loogu soo celiyo qofkaas. arrintaasina waxay haysataa reeraha an reerkaaga ahayn oo qudha. waxa kaloo dhacday in nin reer dudub ah oo maxakadda gobolku xunkuntay kadib markii kiisii loo haystay aw ku cadaaday anu sii daayey badhasaabka gobolku arrintaana aduu ad ka dambeysy ood amar ku soo bixisay, markaa maxadweyne mar hadaad qabyaaladaa qaawan reer sheekh samarron kaa tirsanayaan somaliland inteeda kalena maxaad u malayn? miyaanadse milge xishooda lahayn oo ceeb iyo cuqubo alle toona anad ka baqayn. adduunku ma maanta oo keliyaa iyo intaad kursigan fadhido !!!!!!!!!!!!!

14. Madaxweyne waxad ku kacday inad dhulka la isku haysto sida caadda ad siisay jibriil abokor adiga oo weliba ugu deeqay police ammaankooda ilaaliya, beerahoodana u difaaca haddii dadkaa beeraha laga qaatay ee samaroon ay ku soo hanbaasaan beeraha dawladdaadu xoogga ay kaga qaaday.  sidokale waxa jira, dagaalkii ka dhacay degaanada lagu moronsanyahay sida seemaal, xamarta oogeed, ceelbardaale, markii diiwangelinta laga bilaabay, Reerkii soo weeraray oo hormood u ka ahaa sh. Maxamuud Muxumad Raage inay ku labisanaayeen dirayska ciidanka somaliland iyo hubkii ad siisay adigu madaxweyne,  si ay ula dagaalamaan reer Maxamuud nuur iyo reer maxamed oo kulmiye lagu tiriyo.  arrintan oo kale waxay ka dhacdaa boon ooy haysataa bahabarceli oo reer axmad markay beeraha ay isku qabtaan loo adeegsadaa police ka gar iyo gardarraba.  waxanad u haysataa mucaaradku adiga aragtidaadada inay xoolo aabahaa kaaga dhintay ay kugu haystaan oo ay kaa gardaran yihiin Madaxweyne, umana aragtid inay xaq distooriya mucaarid ay ku yihiin xornimo ilaahiya ahna ay leeeyihiin, qofkay doonaann ay doortaan kay doonaanna ay diidaan. waxana kaa maqan madaxweyne in dadka la beerlaxawsado, oo la soo jiito oo walaal inan rag waxaw ku dhaamaa aanay jirin.  Maxadweyne-ku-xigeenka somali land iyo dawladdaaduba dadka faldanbiyeed kaa sameeyey ee diiwaangelinta diiddan, ee dirayka iyo hubka wata, ee dagaalka riday gabiley baad kula shirteen. inay biyo qubeenna kamaydaan soo qaadin taasina waa arrin kale oo dadka samaroon weli dhegahooda ka sii yawle waana godob kale waxa kaloo la filaaba waa bal degaanadaa sidaad ugu taliso, jiro aanay reer awdal shar mooyee khayr aanay kaa filayn,  goorteedaana la sugi doono.

15. Madaxweyne waxad ku kacday in saylac oo samroon leeyahay lahaanna jiray taariikhdana ku qoran ad siisay ciise. maamul cusubna ad u magacowday. markii odayaal samaroon ahi arikaa kaala hadleenna waxad ugu jawaabtay Ismaaciil Cumar geelle ayaan ugu ballanqaaday inan gobolkaa ciise siiyo. ka noqo ayey ku yidhaadeen waxanad tidhi kama noqonayo. arrintaana waxad u sameysay ku xumayn Maxamed case garaad xumadaada adoo u arka inay mucaarid kugu yihiin. Arrintan oo kale waxa ku kacay hortaa adeerkaa Axmed xaaji bahdoon oo bolol isalaan aw guursanayey meherkeed ciise u siiyay. markaa maxadweyne godobta dadka samaroon iyo dalka ad ka galaysaan ma heshiis baad ku tihiin adiga iyo adeerkaa oo dardaaran baad qabtaa? miyaanad se ogeyn sida bolol ba samaroon u soo dhacsaday in saylacna loo soo dhacsan doono oo eed uun ad khorodhsatay iyo taariikh madow oo inakaaga inankiisa dambarsata, ileyn dalku maaha buste degta la saaranayo oo lala dhaqaaqayee. arrintaasina   waa arrin godobteeda leh.

16. Madaxweyne Rayaale, intii hore salleelo ayey ahayde maantaad taloxumadaaddii ugu weyneyd ay soo ifbaxday. Mijaxaabada ad kula kacday diiwaangelinta awdal waxay keentay in goboladii somalilnad oo dhammi ay ka wada bataan tiro ahaan cadaadiska ad saartay dadka mucaaridka ah si aad u yarayso codkooda gobolku waxay dhalisay amma dhalin doontaa in dadkaagu ku noqdaan somaliland (minority) amma dad laga tiro badanyahay, taasoo keenaysa in saamigooda ay yarayso, miisaaniyadda dawladda lagu yareeyo, mashaariicda horumarinta laga sadbursado amma laga badsado, awood qaybsiga haya’dadhana lagu yareeyo. dhibta baaxaddeedu intaa ay le’egtahay eed Awdal u geysatay waa arrin danbarin doonta ubadkaaga ubadkiisa, tariikhdana kuu gali doonta eedeeda iyo magac xumadeedana lagu xanbaarinayo ifka intaad ku nooshahay.

Madaxweyne Rayaale intaas oo sababood markaan eegno, seeddee kuu dhanaan een kaa qaato bal ii sheeg adigaba an ku weydiiyo ! weliba aniga oon halkan ku soo wada koobi karin waxaad awdal u geysatay oo keliya, anay weli hadhdhan yihiin wixii somaliland ad ka gashayee kale. qaybtan intaasaan maanta ku soo gebgebaynaya waxanad ogaataa ugu horrayn reer Awdal in aanay marnaba mahadin madaxweynenimadaada waxana iga talo iyo hogotusaalayn ah kursigan madaxaa intuu saan leeyahay ina anad fadhiyeyn, xilkuna waa meerto oo waa maalinba nin, ee caano daatay dabadood la qabaye, ee gaadh oo isdaba qabo oo godobta dadkaaga iyo dalkaaga ad ka galayso yarayso, diktaytar taladiisana in badan baad u soo joogtay inaanay meel gaadhsiisnayn iyo weyda iyo wadhida ka raacday, hadal iyo murti isbaanbaani, is ururi, is dhawr dadkaagan iyaga oo isku duuban oo mid ah kuu codeeyey  waad ku deeq iyo abaal darraatay ee qoqobka, qabyaaladda, iyo colaaddaa ad dhexdooda ka abuurayso  kala dhexbax intaanad iman horteedba mid bay ahaayeen waanay ahaan doonaan inshaallaah. waxanad ogaataa samaroon inaanu marnaba mahadinin madaxnimadaada.

sidaa iyo kulan danbe iyo qaybteenna labaad

qore: Maxamed Ibraahim food

fikraddani waxay u gaar tahay qoraaga, Garbodadar marnaba mas’uul kama aha afkaarta dadku ay soo jeediyaan.

garbodadar

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>